Wararkii ugu danbeeyay ee Xaalada Boorame

83

Wararka ka imaanaya Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee dhulka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya saaka xaaladu yara degan tahay oo dadku waaga u baryay iyagoo dhaama sidii maalmihii la soo dhaaay oo halkaasi ay ka jirtay banaan baxyo rabashada wata kadib kacdoonka bulshada Magaaladaasi oo ka dhashay markii maamulku shaaciyay in buuga xeer Xiise lagu soo bandhigayo Saylac.

Wararku waxay tilmaamayaan in saaka uu jiro kulan Odayaasha ay qabanayaan kaasoo xal loogu raadinayo dhibaatada taagan,iyadoo daqiiqad kasta xaaladu is rogi karto hadii aan xal la helin madaama shacabku wali ku kalsooneyn wararka ka soo baxaya Madaxda Maamulka Somaliland walow Madaxweyne C/raxmaan Ciro shalay uu ku dhawaaqay inay hakiyeen soo bandhiga buuga.

Kacdoonka ka curtay Boorama is badalo dhowr ah ayaa yimid sida in ciidamada Somaliland la arkay iyagoo inta carada ka badatay shacabka xitaa madaaiic u adeegsanayaan,sidoo kale waxaa la arkay shacabka Boorama oo si cad aargada Magaalada ugu xardhay calanka Somalia iyo kan Awadl State oo ah mamul ay doonayaan inay kaga goostaan Somaliland.

Sidoo kale waxyaaaha isbadalka ah ee uu sababay kacdoonka Boorame waxaa ka mid ah shacabka Deegeen Xeebeedka Lug-haya oo inta hubkooda soo baxsadeen si cadna u shaaciyay inay ka baxeen Maamulka C/raxman Ciiro islamarkana ay hada kadib ka amar qaadan doonaan Dowlada Somalia.

Sidoo kale isbadalka kacdoonka uu keenay waxaa ka mid ah is casilaada Wasiirkii Waraainta Maamulka Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali kaasoo xalay ku dhawaaqay inuusan ka sii mid ahaan karin Maamulka xili shacabkii uu matalayay ee Gobolka Awadl ciidamadu xasuuqayaan.

Dhanka dhimashada shacabka waxaa la soo wariyay inay 10 ka badan tahay halka dhaawucuna 20 ka badan yahay, lama oga sida Maamulka C/raxmaan Ciiro ku xalin karo kacdoonka heerka sare gaaray ee reer Boorama.