Wariye lagu xirey Muqdisho.

92

Sida aan xogta ku helnay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay mid ka mid ah Wariyayaasha Muqdisho ka howlgala kaasoo magaciisa lagu sheegay Xaafid Nuur islamarkaana ka howlgala mid ka mid ah TV-yada Soomaalida.
Waiyaha waxaa laga kaxaystay nawaaxiga saldhiga Booliiska Degmada Waaberi xili uu xalay saq dhexe ku sugnaa maqaaxi halkaasi ku taal,wariyahaan wuxuu ka mid yahay wariyayaasha inta badan soo gudbiya wararka lidiga ku ah Dowlada islamarkaana wuxuu saaxiibo dhaw la yahay siyaasiyiinta mucaaradka isagoona qeyb ka ahaa wariyayaashii loo xushay inay ka qeybgalaan oo soo tabiyaan shirkii Kismaayo ay mucaaradka ku yeesheen.
Siyaasiyiinta Golaha Mustaq balka ayaa sida Xasan Cali Kheyre Cabdi-Faarax Shirdoon Saacid iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada cambaareeyay talaabada ciidamada Dowladu ku xirteen wariyahaani.
Qoraalka Cambareynta Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka iyo xarigga ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh xalay saqdii dhexe kula kacday Cabdixaafid Nuur Barre oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable.
Xarigga Cabdixaafid oo ah wariye ku suntan karti, hufnaan, hawlkarnimo, anshaxa iyo mabaadi’da saxaafadda, waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo warbaahinta madaxabannaan, iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka, dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah.
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in si degdeg oo shuruud la’aan loo sii daayo wariye Cabdixaafid, kana joogsado xarigga uu ku caburinayo saxaafadda madaxabannaan oo udubdhexaad u ah dowladnimada, dimuqraadiyadda, wacyigelinta bulshada, iyo gudbinta xaqiiqada.
Sidaas oo kale ayay Maxamed Xuseen Rooble Shirdoon Saacid u cambaareeyeen iyagoona ugu baaqay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo wariyaha.