
Laba ka mida Golaha Wasiirada Dowlad Faderaalka Soomaaliya Soomaaliya ayaa is casilay kuwaasoo deegan doorashadoodu tahay koourGalbeed.
Wasiirada is casilay waxay kala yihiin Wasiir u Dowlihii Wasaarada Qorsheynta Axmed Maxamed Mashruuc , Wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda Isaak Mohamud Mursal kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda Koour-Galbeed.
Ujeedka is casilaadooda ayay ku sheegeen dhamaan wasiiradaani inay ka danbeyso
faragelin ay sheegeen inay Dowladu ku heyso Maamulka Koofur-Galbeed.
Talaabadaani ay wasiiradu isku casileen waxay basiin u sii shubeysaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Koofur Galbeed oo hada marba marka ka danbeeya sii xoogeysanaya aadna looga cabsi qabo inuu dagaal isku badelo.




















