Wax ka’ogow sida loo soo dooranayo Baarlamaanka Galmudug.

25

 

Deegaannada Maamulka Galmudug waxaa haatan si dardarleh uga socda ololaha doorashada maamulkaasi, iyada oo si weyn loogu loolamayo kuraasta xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ahaa waxaa ka qayb-galaya illaa 35 xisbi oo uu ku jiro JSP oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba Sidee loo soo dooranayaa 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada Galmudug?

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, Maxamed Axmed Cantoobo oo si dhow ula socda arrimaha doorashooyinka dalka ayaa xog ka bixiyay dhaq-dhaqaaqa iyo ololaha ka socda Galmudug, isaga oo sharraxay sida loo soo dooranayo kuraasta Baarlamaanka, maadaama xisbiyo badan ay tartamayaan.

Hoos ka akhriso qoraalka:-

Dad badan waxay is weydiinayaan sida kuraasta Golaha Wakiillada Galmudug loo qaybin doono. Aan si kooban oo fudud u sharxo.

Doorashadan waxaa ku tartamaya 35 xisbi siyaasadeed, halka Golaha Wakiilladuna ka kooban yahay 89 kursi. Xildhibaannada si toos ah qof-qof looma dooranayo, balse codadka ugu horreyn waxaa la siinayaa xisbiyada, ka dibna codadkaas ayaa loo beddelayaa kuraas iyadoo la adeegsanayo nidaamka matalaadda isu-dheellitiran (Proportional Representation)

Tusaale ahaan:

Haddii Xisbiga JSP helo codadka ugu badan, wuxuu marka hore qaadanayaa tirada kuraasta uu codkiisu u qalmo.

Kadib waxaa kuraasta la siinayaa Xisbiga B, dabadeed Xisbiga C, sidaas ayay ku soconaysaa ilaa 89-ka kursi oo dhan la qaybsado.

Marka xisbigu ogaado inta kursi ee uu helay, kuraastaas waxaa buuxinaya musharrixiinta ku jira liiska xisbiga, iyagoo u kala horreeya sida xisbigu u soo qoray.