Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada maamulkaasi saakay rasaas ku furay gaari , waxaana rasaastaasi ka dhalatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida aan wararka ku heleyno askariga hubeysan ayaa rasaas huwiyay gaari dowlada hoose ee Garowe leedahay, waxaana rasaastaasi ka dhashay dhimasho labo qof iyo dhaawaca labo qof oo kale , waxaana labada qof ee dhaawaca la geeyay xarun caafimaad .
Askariga rasaasta ku furay gaariga dowlada hoose ee Garowe oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn xarunta taraafikada ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in uu horey usii qaatay qoray kale uu lahaa askari uu dilay.
Ciidamada amaanka magaalada Garowe, ayaa hadda wada howlgallo ay ku baadigoobayaan ninka gacankudhiiglaha , lamana shaacin ilaa hadda sababta u askarigan gaariga rasaasta ugu furay dilka iyo dhaawacana uu u geestay.
Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Garowe, ayaana wali ka hadlin falkan saakay hore ka dhacay magaalada , waxaana dadkii ku sugnaa goobta weerarka ka dhacay sheegeen in ay aad u argagaxeen lagana kala cararay goobta uu falku ka dhacay.