Wiilkii Qadaafi oo la dilay

67

Sayf al-Islam Qadaafi oo ahaa wiilkii uu dhalay hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Libya, Mucamar Al-Qadaafi, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dalkaasi.

 

Weriyaha telefishinka Al Jazeera ee Waqooyiga Afrika, Axmed Khaliifa, ayaa Talaadadii sheegay in Sayf al-Islam la rumeysan yahay in lagu toogtay magaalada Zintan ee dhaca galbeedka dalka Libya, halkaas oo saldhig u aheyd tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Geerida ninkan oo 53-sano jir ahaa waxaa xaqiijiyay la-taliyihiisa dhanka siyaasadda, Cabdullaahi Cuthmaan, in kastoo aan weli faahfaahin buuxda laga bixin duruufaha rasmiga ah ee ku xeeran qaabka uu dilku u dhacay. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Liibiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Sayf al-Islam marnaba xil rasmi ah kama uusan qaban dowladdii aabbihiis, balse waxaa si weyn loogu tirin jiray shaqsiga labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi intii u dhaxeysay sannadkii 2000 ilaa 2011, xilligaas oo ahayd markii xoogagga mucaaradka ay afgambiyeen xukunkii dheer ee Mucammar Al-Qadaafi, kadibna ay dileen.

Sannadkii 2011-kii, Sayf al-Islam ayaa lagu qabtay magaalada Zintan xilli uu isku dayayay inuu dalka ka baxsado kaddib markii mucaaradku la wareegeen caasimadda Tripoli. Muddo lix sano ah ayuu xabsiga ku jiray ka hor inta aan la sii deyn sannadkii 2017, kaddib cafis guud oo loo fidiyay.

Sayf al-Islam, oo ah nin wax ku soo bartay dalalka Reer Galbeedka, aftahan ahaa, PhD ka qaatay jaamacadda London School of Economics (LSE) sannadkii 2008, ayaa mar loo arkayay wajiga “casriga ah” ee nidaamkii kali-taliska ahaa ee aabbihiis. Wuxuu hormuud ka ahaa dadaallo lagu hagaajinayay xiriirka Liibiya iyo Reer Galbeedka horraantii 2000-meeyadii.

Hase yeeshee, markii uu qarxay kacdoonkii “Guga Carabta” ee 2011, wuxuu qaatay mowqif adag oo uu ku difaacayo xukunka aabbihiis. Wareysi uu xilligaas siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku yiri: “Halkan ayaan ku dagaallameynaa, halkan ayaana ku dhimaneynaa.”

Wuxuu xilligaas ka digay in dalka ay hareeyn doonaan “webiyo dhiig ah,” isagoo saadaaliyay in haddii nidaamka la rido ay qaadan doonto 40 sano in heshiis laga gaaro maamulka dalka, maadaama qof walba uu doonayo inuu madaxweyne noqdo.

Dambiyada dagaal iyo maxkamadda ICC

Sayf al-Islam ayaa wajahayay eedeymo culus oo la xiriira jirdil iyo tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada intii uu socday kacdoonkii lagaga soo horjeeday aabbihiis. Bishii Febraayo ee 2011, Qaramada Midoobay ayaa xayiraad dhanka safarka ah saartay, hantidiisana waa la xayiray.

Sidoo kale, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo, iyadoo loo heystay dambiyo ka dhan ah aadanaha. Sannadkii 2015-kii, maxkamad ku taalla Tripoli ayaa xukun dil ah ku ridday isagoo maqane ah.

Tan iyo markii xabsiga laga sii daayay 2017, Sayf al-Islam wuxuu ku noolaa dhuumaaleysi gudaha magaalada Zintan si uu uga badbaado isku dayo dil, isagoo dhif iyo naadir xiriir la sameyn jiray dadka dibadda iyo gudaha ku sugan, sida uu sheegay Mustafa Fetouri oo ah falanqeeye reer Liibiya ah oo xiriir dhow la lahaa.