Xamaas oo siidaysay dhamaan maxaabiista Israil+ SAWIRRO

43

Xamaas ayaa maanta sii deysay toddobo maxbuus oo Israailiyiin ah , kuwaasoo qeyb ka noqonaya 20 maxbuus oo nool oo la filayo inay saacadaha soo socdo sii deyso Xamaas , si loo dhaqangeliyo heshiiska xabbad-joojinta Qasa.

Illaa labo kun oo Falastiiniyiin ah ayaa dhanka xabsiyada Israel laga sii deynayaa maanta si loogu beddesho 20ka maxbuus.

Ma dhicin bandhigyadii lagu yaqaanay Xamaas, marka ay sii deynayso maxaabiista, sababtoo ah heshiiska ayaa waxaa ku jirtay inan wax bandhigya ah la qaban oo si aamusnaan Xamaas ugu wareejiso hay’adda laanqeyrta Cas, oo dhinaca Israel geynaysa maxaabiista, tan oo Israel ay uga fogaaneyso fashilka ay kala kulantay howlgalka ay labo sanno ka waday Qasa oo aysan ku gaarin inay maxaabiis soo furato.

Ururka Xamaas, ayaa warsaxaafadeed uu baahiyay ku sheegay inay dadaal walba u sameeyeen sidii ay u ilaalin lahaayeen maxaabiista Israel, xilli muddo labo sanno ah duqeymo iyo weerarro joogta ah ay ka socdeen Qasa, taa beddelkeeda wuxuu ururku sheegay inay xaalad laga naxo la soo baxeen maxaabiista Falastiiniyiinta maanta laga sii daayay xabsiyada Israel oo lagula kacay tacaddiyo naxdin leh oo ka dhan ah bani’aadanimada, sida ay baahisay Al Jazeera.

Marinka Qasa, waxaa ka socota munaasabad loogu diyaar garoobayo maxaabiista laga sii deynayo xabsiyada Israel oo boqollaal ka mid ah ay Qasa ka soo jeedaan dibna loogu soo celinayo, iyadoo ay billaabatay sii deynta ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 200 oo xabsi daa’im ay Israel ku xukuntay oo qasab loo soo furtay, kuwaasoo lagu beddelanayo 20 Israailiyiin ay maanta sii deynayso Xammaas.