Xamze oo tagay garoonka Muqdoisho+SAWIRRO

53

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, si uu u qiimeeyo heerka adeegyada kala duwan ee loo fidiyo bulshada iyo habsami u socodka hay’adaha ka hawlgala garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray adeegyada muhiimka ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka socdaalka, amniga, iyo howlaha la xiriira dhoofinta iyo soo-dhaweynta rakaabka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tayada adeegyadaasi, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si toos ah u dhageystay cabashooyin iyo talooyin ay la wadaageen qaar ka mid ah rakaabka iyo bulshada adeegyada garoonka ka isticmaaleysay. Wuxuu faray maamulka iyo howlwadeennada garoonka in ay muujiyaan masuuliyad dheeri ah, isla markaana mudnaanta siiyaan fududeynta adeegyada rakaabka, gaar ahaan dadka ku jira duruufo adag ee u baahan tixgelin iyo daryeel gaar ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka in ay labanlaabaan dadaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada iyo ilaalinta sumcadda garoonka, isaga oo xusay in Garoonka Aadan Cabdulle uu yahay albaabka koowaad ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu ka tarjumo horumarka iyo haybadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ballan-qaaday in Xukuumaddu aysan marnaba aqbali doonin cabashooyin joogto ah oo ka yimaada xarumaha dowladeed, isagoo xusay in kormeerradii uu hore u sameeyay lagu xalliyay caqabado badan oo ka jiray garoonka, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata adeeg-xumo ama masuuliyad darro.