Xarunta Nukliyeerka Iiraan oo laweeraray.

14

 

Ururka nukliyeerka Iiraan ayaa soo saaray bayaan ay ku xaqiijinayaan in duqeyntan ay dhacday. Ma aysan sheegin sida ay u dhacday iyo noocyada bambooyinka la isticmaalay. Laakiin waxay sidoo kale bixiyeen xaqiijin ah in aysan jirin wax shucaac nukliyeer ah oo ka dhashay weerarkan, sidaas darteedna aysan jirin wax khatar ah oo soo food saartay dadka rayidka ah ee ku hareeraysan xarunta.

Waan ognahay in Natanz uu yahay mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee nukliyeerka ee Iiraan, oo ku teedsan bartamaha dalka, iyo sidoo kale xarumaha nukliyeerka ee Isfahan. Waxaanan ognahay in yoolka ugu weyn ee dagaalkan ay qaateen Mareykanka iyo Israa’iil uu ahaa barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, sida loo burburiyo loogana hortago Iiraan inay soo saarto bam nukliyeer ah.

Waxaan maalin walba maqalnaa in ay jiraan duqeymo ka dhacay meel u dhow [goobaha nukliyeerka], gaar ahaan xarumaha Isfahan. Laakiin tani waa markii ugu horreysay ee aan maqalno weerar weyn oo lagu qaaday Natanz.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa, ilo wareedyo Mareykan ah, in Mareykanku ay ka dambeeyeen weerarkan, waxayna markii ugu horreysay u adeegsadeen bambooyinka bunker-ka xaruntan tan iyo bilowgii dagaalkan.