Xasan Sheekh iyo Geelaha Jabuuti oo ka dagay Jigjiga + Sawirro

27

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya & madaxweyne Mustafe Cagjar.

Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay xarrig jarta xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tegay Jigjiga, isaga oo ka qayb-galaya daah-furka mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay halkaasi.

Xasan iyo Geelle ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweyn diirran oo maamuus leh, taasoo ka tarjumaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya.

Sidoo kale booqashada labada hoggaamiye ayaa muujineyso wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ee diiradda lagu saarayo arrimo wadajir ah sida nabadda, amniga, is-dhexgalka dhaqaale iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika.

Waa markii labaad ee uu madxweynaha Soomaaliya booqanayo Jigjiga, wuxuuna markii ugu horreysay uu cagta saaray bishii August, 2016-kii ee muddo xileedkiisii hore, markaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxweyne Xasan aya xillagaas wada-hadal la yeeshay madaxdii joogtay dowlad-deegaanka, isaga oo sidoo kale booqday xarumaha muhiimka ah ee maamulka iyo goobaha dadweynaha, wuxuuna qiimeynayay xaaladda guud.