Xasan Sheekh oo Itoobiya u aaday inuu uga dacwoodo Lafta Gareen.

20

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Ujeedka socdaalkiisa waa si uu Abiy Axmed ugala hadlo arrimo ay ka mid yihiin qadiyada Koofur Galbeed.

17 July 2025 madaxweynaha Soomaaliya oo uu wehliyo taliyaha NISA ayaa Abiy Ahmed iyo taliyihiisa sirdoonka kala hadlay xaalada gobolka Gedo. Maalin ka dib 18 July 2025 ciidanka Itoobiya ayaa weeraray Xaruntii NISA ee Doollow Gedo waxa ayna xabsiga dhigeen askartii hubkoodiina waa gubeen.

Xiliga ay Itoobiya falkaasi fulineysay waxaa caasimadda Addis-ababa ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.