Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu martigaliyay Madaxwaynaha Maraykanka Mundane Donald Trump
Kulankan ayaa lagu maamuusay madaxdii ka qaybgashay Meertada 80aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa magaalada New York uga qeybgalay fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Xassan Shiikh ayaa halkaas oo uu ku soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.