
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in xal ku-meel-gaar ah laga gaaray xiisaddii maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd deegaanka Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sida ay sheegayaan xogaha soo baxaya, dadaallo ballaaran oo ay hormuud ka ahaayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa lagu guuleystay in la dejiyo xaaladdii kacsanayd, taas oo cabsi weyn ka abuurtay in iska horimaad hubeysan uu ka dhaco gudaha caasimadda.
Wadahadallada ayaa horseeday in Sheekh Shariif loo oggolaado inuu sii joogo guriga uu hadda deggen yahay ee Mirinaayo, inkastoo ay jireen dalabyo uga yimid dhinaca dowladda oo ahaa inuu u guuro hoygiisa kale ee ku yaalla agagaarka KM4 .
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in heshiiska la gaaray uu qeyb ka yahay in ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee la socda Sheekh Shariif ay sii joogaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin, iyadoo aan la qaadin tallaabooyin cusub oo militari.
Dhanka kale, dowladda ayaa lagu warramayaa inay dib uga qaadeyso ciidamadii iyo fariisimihii ay ka sameysatay aagga Mirinaayo intii lagu jiray xiisadda labada maalmood ee la soo dhaafay.
Doorka ugu weyn ee dhexdhexaadinta ayaa la sheegay inay qaateen odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, kuwaas oo kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Shariif si ay ugu gudbiyaan farriimo ka yimid dowladda. Ergadaasi waxay ku boorrisay in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada militari iyo hadallada sii hurin kara xiisadda, isla markaana la helo waddo nabadeed oo lagu xalliyo khilaafka.
Intii uu socday kulanka, odayaashu waxay Sheekh Shariif u sheegeen in dowladda diyaar u tahay inay hakiso tallaabooyinka amni iyo kuwa militari ee ku wajahan gurigiisa haddii la gaaro is-afgarad rasmi ah. Waxay sidoo kale ka codsadeen inuu ciidamadiisa ku amro xabbad-joojin iyo degganaansho si looga hortago isku dhac kale oo sababi kara khasaaro naf iyo maalba leh.




















