Maanta waxaa xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka taagan khalalaase iyo buuq xooggan, xilli lagu waday in lagu qabto fadhi lagu falanqeynayo wax ka beddelka Dastuurka.
Xildhibaano ka soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay aqalka Baarlamaanka, inkastoo 18 xildhibaan oo shalay ganaax lagu soo rogay ay qaar maanta joogaan, halka kuwa kale ay ka maqan yihiin. Arrintani waxay sii hurisay xiisadda iyo khilaafka ka dhex taagan Golaha.
Kulanka Baarlamaanka ayaa ku bilaawday buuq, sawaxan iyo is-riix-riix, iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkay gudaha xarunta si ay u sugaan amniga. Xildhibaano iyo askar ayaa isku hor istaagay qabsoomidda kulanka, taasoo keentay in fadhigii uusan si caadi ah u furmin.
Waxaa la soo sheegay in ciidanka booliska ay gacan qaad ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, arrintan oo dhalisay caro iyo cabasho. Xildhibaan Cadar Xareed ayaa warbaahinta u sheegtay in dhaawac loo geystay, taasoo sii xoojisay walaaca amni ee ka taagan xarunta.
Gudaha Villa Hargeysa waxaa ka taagan buuq, is-maandhaaf iyo muran xooggan, iyadoo ciidamo badan oo boolis ah isku dayayaan inay xakameeyaan xaaladda, hase yeeshee ilaa hadda ma aysan guuleysan.
Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhalato fowdo cusub haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo lagu qaboojiyo khilaafka. Waxaa si weyn loo sugayaa go’aannada ka soo baxa hoggaanka Baarlamaanka iyo sida ay u maareyn doonaan xaaladdan cakiran.




















