XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE BJFS AYAA MAANTA LOO QEYBIYEY WAX KA BEDELKA DASTUURKA CUTUBYADIISA 5-AAD ILAA 9-AAD.+SAWIRRO

67

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulan wadajir ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 180-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31-Senator oo Aqalka Sare ah, waxaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo qeybiyey warbixinta soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, warbixinta faahfaahinaysa soojeedimaha iyo sidoo kale soojeedin kooban oo ku saabsan wax-kabeddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka in ay soo akhriyaan soojeedimaha iyo warbixinta la socota si looga doodo.

DHAMMAAD