Xildhibaanadii maanta fowdada sameeyey oo wajahaya ganaax

68

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda qorista liis xildhibaanada laga mamnuuci doono fadhiyada soo socda ee Golaha, kadib dhacdooyin ka dhacay fadhigii maanta.

Xubno ku dhow xafiisyada Guddoonka ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanada maanta hor istaagay ajandaha la ganaaxi doono, halka qaar kale la siin doono digniin.

Shalay ayaa sidoo kale la ganaaxay xildhibaano ka qeyb qaatay fadhigii ugu dambeeyay, kuwaas oo is-hortaagay shaqada Golaha sida Gudoonku sheegay .

Habdhowraha Golaha shacabka ee BJFS Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) “qalalaasihii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Baaritaan sax ah ayaan sameyn doonaan “

Saaka xaalad kacsan ayaa laga soo sheegay Xarunta Villa Hargeysa, halkaasoo labada Gole ee Baarlamaanka ay ka lahaayeen dooda ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka.

Miiska hadal-jeedinta ee Golaha Baarlamaanka 11-aad waxaa fariistay, kuraastoodiina dhigtay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo si adag uga soo horjeeda doodda dastuurka.

Xildhibaanadaasi qaar ka mid ah waxaa kasoo kala jeedaan Puntland iyo Jubaland.