Xildhibaano laga mamnuucay inay fadhiyada baarlamaanka

55

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal, oo kaashanaya Guddiga Anshaxa, ayaa go’aan wadajir ah ka gaaray in hay’adaha ammaanka lagu wareejiyo liiska magacyada xildhibaano lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen shaqada Golaha Shacabka, kaddib dhacdo shalay ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

Sida ay xaqiijiyeen xubno si dhow ugu dhow Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Anshaxa, xildhibaanada ku jira liiskaas ayaa si rasmi ah looga mamnuucay gelitaanka rugaha Ciidanka, fadhiyada jidadka, iyo albaabada laga galo Xarunta Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa lagu sheegay mid looga gol leeyahay in lagu xakameeyo fowdo, lana ilaaliyo amniga iyo nidaamka shaqo ee Baarlamaanka, kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira isku day carqaladeyn oo lagula kacay fadhigii Golaha Shacabka, kaas oo la sheegay in Villa Soomaaliya looga adkaaday.

Ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay tahay mid ku meel gaar ah, balse ay ku xiran tahay natiijada baaritaan ay wadaan Guddiga Anshaxa iyo hay’adaha ammaanka ee dalka.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka shaqada golaha.