Yaa kuguulaysanaya duqa magaalada Minneapolis Omar Fateh iyo Jacob Frey

58

Dadka magaalada Minneapolis ayaa dooranaya duqa magaalada, taas oo laga yaabo in Omar Fateh oo ah senatar Soomaali–Mareykan ah, ka dhigto duqii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee magaaladan hoggaamiya.

Doorashadan waxaa ku tartamaya 15 musharax, waxaana lagu go’aaminayaa halka ku kala jiraan qiimaynta musharaxiinta, iyadoo Fateh uu la tartamayo Jacob Frey, oo ah duqa haatan xilka haya oo laba jeer lasoo doortay.

Cumar Fateh, oo 35 jir ah, wuxuu taariikh sameeyay 2020 markuu noqday Senatarkii ugu horreeyay ee Soomaali–Mareykan ah ee Minnesota. Ololihiisu wuxuu diiradda saaraya qiimaha nolosha, sida xasilinta kirada guryaha, iyo in kor loo qaado mushaaraadka shaqaalaha.

Ololaha Fateh ayaa xoog yeeshay bishii Luulyo, markii uu helay taageerada xisbiga DFL, balse taageeradaas ayaa dib looga noqday sababo la xiriira cillado farsamo oo ku yimid nidaamka codbixinta. Go’aankaas ayaa caro dhaliyay, taageerayaashiisuna waxay ku eedeeyeen xisbiga inuu cadaadis uga yimid kooxaha doonaya in la ilaaliyo Frey. Fateh wuxuu ku tilmaamay arrintaas dagaal u dhexeeya dadka hoose iyo dadka maalqabeenka ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa Fateh u bixisay “Mamdani of the Midwest”, iyagoo barbardhigay Zohran Mamdani, siyaasiga Muslimka ah ee u taagan duqa New York City. Labadooduba waxay wadaagaan aragtiyo ku saleysan caddaaladda bulsho, in la helo guryo la awoodi karo, iyo dib-u-habaynta ammaanka bulshada.

Dhanka kale, Frey, oo 44 jir ah, wuxuu ku faanayaa in uu soo celiyay deganaanshaha magaalada Minneapolis, isagoo soo bandhigay hoos u dhaca dilalka ka dhici jiray magaalada , iyo fulinta heshiisyada maxkamadeed ee dib-u-habaynta booliska.

Ka qaybgalka Soomaalida iyo Bariga Afrikaan ayaa door weyn ku yeelan kara natiijada, iyadoo xaafadaha Cedar-Riverside, Ventura Village, iyo Phillips la filayo inay muujiyaan ka-qaybgal sare. Fateh waxaa taageeraya Xildhibaan Ilhan Omar, ururo shaqaale, iyo xubno golaha deegaanka ah, wuxuuna ololihiisa xoogga saarayaa ganacsiyada Soomaalida iyo bulshada muhaajiriinta.

Tan iyo markii uu ololaha bilaabay, Fateh wuxuu wajahayaa hanjabaado Islaam naceyb ah iyo weerarro internet-ka ah, balse wuxuu sheegay inuusan ka baqayn. Dhanka kale, Frey waxaa taageeraya Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz iyo ururo ganacsi, kuwaas oo xoojinaya ololihiisa dhaqaale.

Haddii Omar Fateh guuleysto, wuxuu noqon doonaa Soomaaligii ugu horreeyay ee duq ka noqda magaalo weyn oo Mareykan ah, taas oo noqon doonta guul taariikhi ah oo muujinaysa koritaanka iyo saamaynta bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.