10-ka Tababare Ee Ugu Mushaharka Badan Kubada Cagta Adduunka, Halkee Ayuu Jose Mourinho Kaga Jiraa?

2215

Jose Mourinhoa ayaa haysta saxaafada adduunka kadib markii uu noqday tababaraha kooxda Tottenham shaqadana ka badalay tababare Mauricio Pochettino kaas oo laga caydhiyay shaqada kooxda Spures.

Jose Mourinho ayaa noqday tababaraha 2-aad ee ugu mushaharka badan kubada cagta kadib markii uu ku soo biiray kooxda Tottenham isaga oo ka mushahar badan tababarayaal badan oo jooga kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

jose Mourinhoa ayaa sanadkii jeebka ku shaban doona lacag dhan 17.5 milyan euro isaga oo kaliya ka dambeeya tababaraha Man City ee Pep Guardiola kaas oo qaata lacag dhan 23 milyan oo euro.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone kaas oo sanadkii jeebka ku shubta halka tababarayaasha Zidane, Conte, Valverde, Klopp iyo Tuchel ku jiraan kaalmaha hoose ee 10-ka tababare ee ugu mushaharka badan.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo 10-ka tababare ee ugu mushaharka badan ee kubada cagta:

  1. Guardiola 23 Milyan
  2. Mourinho 17.5
  3. Simeone 15
  4. Benitez 13.5
  5. Cannavaro 12
  6. Zidane 12
  7. Conte 11
  8. Tuchel 9
  9. Valverde 9
  10. Klopp 8