Daawo: Muuqaal Qaabkii Ay Shakira Uga Fal Celisay Kulankii Ay Liverpool 4/0 Ku Xasuuqday Barcelona

1852

Waxa la helay muuqaal qaabkii ay Shakira uga fal celisay kulankii ay Liverpool ku garaacday kooxda Barcelona ee ka dhacay Anfield kana tirsanaa lugtii 2-aad ee tartanka champions League.

Liverpool ayaa kulankaas soo gashay iyaga oo 3/0 lagu soo garaacay kulankii ka dhacay Camp Nou iyada oo ayna cidna filayn in ay Liverpool 4 gool dhaliso una gudubto Finalka.

Dadka aan aaminsanayn in ay Liverpool wixii ay dhigtay qaban karto waxa ka mid ahayd xaaska daafaca Barcelona ee Gerard Pique ee Shakira taas oo gurigeeda ka daawanaysay ciyaarta.

Shakira ayaa u qaadan waydy wixii dhacay xilli uu mid ka mid ah caruurteedu xitaa su,aal waydiiyay ka hor inta ayna Liverpool dhalin goolka 3-aad ee bar-baraha.

ka hor intii ayna kooxda Liverpool dhalin goolka 3-aad ayuu wiilkeeda oo ciyaarta la daawanayay waydiiyay “Hadii ay 2/0 ahaato wax wlaba oo dhaca waxa aan gaadhaynaa Finalka”. Shakira ayaa ugu jawaabtay “Haa” laakiin intii ayna hadalka dhamaysan ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha.

Shakira oo u qaadan wayday wiixii ayaa ku qayliday”Maya, Ma rumaysan karo, Maya”.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Fal Celiska Shakira: