Wasiir Maareeye oo lgu qasbay inuu dib usooceliyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga

1582

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib loogu howlgeliyay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaas oo shaqada laga joojiyay sanadkii hore.

C/llaahi Xayir Ducaale oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa shaqada laga joojiyay bishii February sanadkii 2018, kaddib markii ay isku dhaceen Wasiir Maareeye.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta ayaa soo saaray warqad ku taariikheysneyd 30 April, waxaana uu sheegay soo jeedin ka timid Madaxweynaha iyo go’aan ay isla qaateen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha in Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo shaqo joojin ku jiray dib loogu howlgeliyo Wasaaraddii uu ka tirsanaa.

Halkan hoose ka akhriso warqada:-

Wasiir Maareeye oo lgu qasbay inuu dib usooceliyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga