DAAWO:-Xasan Sh Maxamuud oo weeraray Kenya

2173

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka horyimid qorshihii ay dowladda Kenya ku soo dhoweysey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi & faragelinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey arrintaasi ayaa markale yiri “Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran, hal milyan oo qof dad Soomaaliyeed oo ka badan ayaa magan-geliyo u jooga, kumanaan kale oo Soomaali ahna ganacsi ayey u joogaan magaalo kasta oo dalka Kenya ka tirsan, marka anagoo sidaas ugu dhex nool, waxaan cilaaqaad fiican aheyn nagama mudna Kenya.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in Soomaalidu ay falal xun xun ka samaysay Kenya haseyeeshee aysan dowladda Kenya wax dhibaato ah u geysan ayna ganacsi, deganaansho iyo waxbarasho uga helaan si xorriyad ah.

“Nolol iyo shacab wanaagsan ayaa naga jira, xigmad tilmaameysa in cilaaqaadka anaga iyo Kenya uu xumaado ma jirto, waxyaabo badan waa ku kala ra’yi duwanaa karnaa, tusaale anigu kuma raacsani Kenya sida ay u wajahday arrinta Somaliland, lamana qabo, ilamana qumana, laakiin taas meeshii adduunyadu ku dhamaaneysay maaha, wax kasii weyn oo iyagu ay dhibsanayeen ayaa na dhex maray, cilaaqaadkeenuna ma go’in,” ayuu yiri.