Nin xaaskisa dilay oo xukun adag lagu riday

1386

Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu helay in uu sabab u ahaa dhimashada xaaskiisa, waxaana ninkan xukun adag oo xabsi ah ku riday maxkamada gacanta ku heysay kiiska dilkiisa.

Sooraj Kumar ayaa xaaskiisa oo huruda sariirteeda u saaray mas nuuca loo yaqaan Kobraha kaa oo qaniinay xaaskiisa una geeriyootay qaniinyada maska,waxaana baaritaano dheer oo la sameeyay kadib la ogaaday in ninkan ka dambeeyay dhimashada xaaskiisa.

Qoyska gabadha maska qaniinay oo dilka gabadhooda ku tuhmay ninka qabay ayaa dacwad u gudbiyay booliiska, waxaana baaritaano booliiska sameeyeen kadib la ogaaday in Sooraj Kumar isagu sabab u ahaa geerida xaaskiisa.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay in gabadha horey ugu diray mas kale oo qaniinay kaas oo aysan u dhimin, waxaana ninkan qoyska gabadha ku cadaadinayay in ay siiyaan maherka gabadhooda.

Boolisku waxay sheegeen in baaritaankooda uu tilmaamay in Sooraj uu ka dambeeyay labada mas ee qaniintay xaaskiisa. Waxay sidoo kale xireen nin ka caawiyay inuu soo iibsado masaska inkastoo markii dambe uu booliska ka caawiyay inay kiiska caddeyn u helaan.

Garsoorayaasha Maxkamada qaarkood ayaa dalbaday in ninkan xaaskiisa dilay lagu rido xukun dil ah, hasa ahaatee Maxkamada ayaa ugu dambeyn ku riday Xabsi daa’in iyo ganaax lacageed oo dhan  $ 6,635 oo doolar.

Dalka Hindiya ayaa haweenka la qabo mararka qaar loo dhibaateeyaa lacagta meherka ee raga ku raacaan haweenka, waxaana rag badan dileen xaasaskooda kadib markii laga sii waayay lacagta maherka oo caado ka ah dalkaasi in gabdhaha laga dhiibo.

HALKAN KA AQRI SHEEKAAN