9 nin Imaaraadka Carabta udhashay oo Hargeysa lagu xiray-SAWIRRO

1711

Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay xabsiga dhigeen 9 nin oo u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta.

Sagaalka nin oo ugaarsato ah ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan halkaasi, iyagoona laga reebay diyaaradii ay raaci lahayeen oo ku sii jeeday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Raggaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada Somaliland, iyagoo u joogay howlo ugaarsi ah.

Agaasimaha Duur-Joogta ee wasaaradda deegaanka ee maamulka Somaliland, Naasir Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajaaniibtaasi si deg deg ah loo horkeeni cadalada, wuxuuna tilmaamay in laga qaadi talaabo adag, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Inta badan Somaliland ayaa ka hortagta ajaaniibta sharci darrada ah uga shaqeysata deegaanada maamulkaasi, waxaana dhowr jeer ay ceyrisay ajaaniib kala duwan.