
Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay kooram la’aan ka jirta Golaha, taas oo sababtay baaqashada kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeelan lahaayeen Senatorada Aqalka Sare.
Kulankii maanta ee Golaha ayaa lagu kala tegay, kadib markii ay soo xaadireen 23 Mudane oo kaliya, iyadoo guddoonka oo ka careysan arrintaas uu soo xiray kulanka, waana markii saddexaad oo xiriir ah uu baaqanayo fadhiga xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Senator Iftin Xasan Baasto, oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu saameyn ku yeeshay Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo shaqada guud ee Golaha, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maalmaha soo socda ay kala caddaan doonaan dadka u shaqeeya shisheeyaha iyo kuwa u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Sida aan dareemeyno waa lagu dhex shaqeysanayaa gacan Imaaraad inay ku dhex jirto kama marno waxaan rajeynayaa in la kala bixi doono, waxaana loo kala baxayaa dad shisheeye u shaqeeya iyo dad shacabka u adeega,” ayuu yiri Senator Iftin Baasto
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in lala xisaabtami doono shisheeyaha tallaabooyinka gurracan iyo kala qaybin ka wada gudaha Soomaaliya.




















