Diego Simeone oo qandaraaska lookordhiyay

1903

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee ka dhisan Waddanka Spain ayaa heshiis cusub ku abaal-marisay macallinkeeda Diego Simeone.

Waxa uu tababare Diego Simeone Naadiga Atletico Madrid qalinka ugu guuday qandaraas cusub oo saddex sanadood ah kaasoo kooxda ku sii hayn doona illaa sanadka 2022-ka.

Simeone ayaa 413 kulan oo uu layliyey kooxda Atletico Madrid waxa uu guul ku hoggaamiyey 252 kulan, waxaana ay mudadaas kooxdu garoonka ka baxday iyadoo aan gool laga dhalin 217 kulan.

Macallinka reer Argentina ee Diego Simeone ayaa kooxda Atlético Madrid kula guuleystay Super Cup, Europa League, Copa del Rey, Supercopa iyo La Liga, isagoo labo jeer kooxda geeyey kama dambeysta Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League, haddana waxa uu gacanta ku haystaa saddex sanadood oo kale.