Chelsea Oo dhulka kujiiday Tottenham +SAWIRRO

2666

Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Chelsea ayaa nasiinada ugu dirtay Tottenham laba gool oo nadiif ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee hopryaalka Ingiriiska

Biloowgii, labada koox kubad u furan ayay soo bandhigeen balse taasi ma daahin oo Chelsea waxa ay soo bandhigeen kubad aad u qurxoon

Chelsea iyaga ayaa kubadda haystay waliba kubad deg deg leh ayay ciyaarayeen waxa ayna goolka koowaad heleen daqiiqaddii 12-aad waxaana dhaliyay Willian

Tottenham waa ku adkeyd in kubadda ay gaarsiiyaan aagga goosha Chelsea sidoo kale cagtooda kuma daaheyn waxa ayna u nuglaayeen gool labaad

kaliya laba laad ayay Tottenham ku sameeyeen goosha Chelsea waxaana kooxda Jose Mourinho looga wacnaa dagaalka qadka dhexe waxaana lagu helay gool labaad oo uu qaladkeedu uu sameeyay goolhayaha kaasi oo rigoore ku keenay waxaana daqiiqaddii 45-aad dhaliyay Willian

Soo laabashadii , qaba deggan ayay ku bilaabatay bwax aayan labada koox raadinayeen waddo dhanak maamulka kubadda u qabtaan waxaan Chelsea laga diiday gool daqiiqadii 55-aad sababa la xariira Offisde

Tottenham inkastoo horay u soo dhaqaaqayeen hadana halis ayay ugu jireen in gool laga dhaliyo , waxaana xaalka sii xumaaday ka dib markii kaarka cas Totenham laga siyay Son ka dib markii uu laaday rudiger, VAR ayaa la eegay waxaana loo taagay kaarka cas daqiiqaddii 62-aad

Kam dib dhacadaas , Tottenham waxa ay u muuqdeen kuwo daafac galay waxa ayan Cheslsea badalkoodii ugu horeeyay sameeteen daqiiqaddii 68-aad iyaga oo soo giliyay Jorginho oo loo badalay Kovacic.

Daqiiqaddii 74-aad macali Jose laba badal ayuu sameeyay isaga oo giliyya Rose iyo Ndombele oo loo badalay Vertonghen iyo Moura si ugu yaraan xaalka koxda uu wax iskaga badalo

Tottenham inakstoo mqaba ciyaareedkooda uu ka wanaagsannaa midki hore hadana lama siin meel ay kubad marsiiyaan waxa ayna Chelsea daqiiqadii n80-aad sameeyeen laba badal waxa ay soo giliyen . Batshuayi iyo Reece James oo lo saaray Abraham iyo Azpilicueta.

Dhamaadkii waxaa la arkayay taageerayaasha Tottenham oo dhaqan cunsurinimo ula dhaqmay Rudiger waliba soo tuuryeeyay taasi oo keentay in daqiiqado ciyaarta joogsato , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay guushaas Chelsea ee labada gool waxaana xusid mudan in Willian u soo bandhigay ciyaar hanaan ciyaareed wacan.