Nin u basaasi jiray Alshabaab oo laqabtay

1741

Booliska la dagaallanka Argagixisada Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen in lagu tuhamayo in uu ka midyahay amniyaadka xarakada Al-shabaab.

Cabdu Xasan Yamaax, sidoo kalena loo yaqaan Somo Dubat Oukor, ayaa Axaddii lagu qabtay Mandheera,waxaana la geeyay Maxkamadda Magaalada Mandheera.

Cabdu ayey Hay’adaha sirdoonka sheegeen in uu ka mid ahaa sirdoonka Al-shabab, islamarkaana Maxkamadda ay amartay in shan maalmood xabsiga lagu siihayo si baaritaan loogu sameeyo.

Newton Mbogo, oo ka mid ah Saraakiisha Booliska la dagaallanka Argagixisada ee Kenya ayaa sheegay in Ninkan uu heysto aqoonsiga dalka Uganda,laakiin uu Soomaali yahay.

Waxaa uu intaas ku daray in ay uga shakiyeen in uu xog ururiye u yahay A-shabab sidoo kalena qorsheynayay dilal qorsheysan oo uu la beegsado saraakiisha iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Mandheera.

Newton Mbogo, ayaa sheegay in ay ku sameynayaan baaritaan la xiriira sida uu ku helay Aqoonsiga Uganda, ku galay Kenya, islamarkaana uga baxay Soomaaliya.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAAN