DAAWO:- Kulankii Golaha Shacaka oo baaqday

1801

Waxaa goordhow baaqday kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kooram la’aan uu u baaqday fadhiga Golaha Shacabka oo maanta loo balansanaa in warbixin looga dhageesto Guddiga dib u Eegista Dastuurka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa maanta wax u muuqda Banaanbax ka dhax dhigay xarunta Fadhiyada ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadaan ayaa ka cabanayey Ajandaha maanta iyagoo dalbanayay in laga hadlo dhibaatada amni darro ee ka jirta Muqdisho.