Eng. Yariisow “Haddii siyaasiyiinta ka qeyb qaadan lahaayeen orodkii jimcihii Stress-ka waa ka bi’i lahaa”+ cod

1916

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in dalka helo xasilooni siyaasadeed.

Eng. Yariisow oo xalay ka hadlayay munaasabad abaal marino lagu bixinyay tartankii Orodka gaabnaa ee jimcihii ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in haddii siyaasiyiinta ka qeyb geli lahaayeen orodkaas uu ka bi’i lahaa Stress-ka (Carada).

“Haddii siyaasiyiinta ka qeyb qaadan lahaayeen Orodkii gaabnaa ee Jimcihii, Stress-ka ama Carada waa ka bi’i lahaa, Sabtidii wixii Baarlamaanka ka dhacayna kama dhaceyn”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Waxaa uu sheegay in amniga yahay kaalinta koowaad oo aan la siyaasad gelin, isla markaana looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed.