Liverpool Oo Xasuuq Xun U Gaysatay FC Porto +SAWIRRO

1882

Liverpool ayaa si raaxo leh ugu soo baxday afar dhamaadka UEFA Champions League kadib markii ay guuldaro kale soo baday kooxda FC Porto oo hore ugu soo garaacday Anfield. Liverpool ayaa marti iyo minanba ku tuntay kooxda reer Portugal waxayna kooxda Klopp muujisay sida ay Porto uga awood badnayd.

Sadio Mane ayaa halkiisa ka sii watay saamaynta iyo gool dhalinta uu xili ciyaareedkan ku leeyahay Liverpool isaga oo dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankan waxaana goolka labaad Liverpool u saxiixay Mohamed Salah halka Porto uu goolka calanka u dhaliyay Eder Militao.

Liverpool ayaa balan cad ah ka samaysatay Barcelona oo ay maryo dhiigleh ku kala furan doonaan afar dhamaadka UEFA Champions League iyada oo waliba Reds ahayd kooxdii ugu danbaysay ee Ingiriis ah ee Camp Nou guul kala soo baxday balse markan waxaa lays waydiinayaa miyay Liverpool awoodi doontaa in ay ka badbaado halista Lionel Messi uu ku soo gumaadayay kooxaha Premier league.

Barcelona waxay haddaba xili ciyareedkan soo ceebaysay kooxaha Tottenham iyo Man United oo ay kulankii ugu danbeeyay kaga reebtay Champions League wuxuuna aduunku sugayaa in Camp Nou iyo Anfield ay iskugu soo galaan Liverpool iyo Barcelona.

Liverpool ayaa Porto ku soo xasuuqday 4-1 iyada oo wadarta labada kulan kaga soo gudubtay 6-1 waxayna Porto xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay ku baxday gacmaha Reds.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

LIVERPOOL XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; James Milner (c), Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Divock Origi, Sadio Mane.

Kaydka: Joe Gomez, Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge, Naby Keita, Simon Mignolet, Roberto Firmino, Jordan Henderson.

PORTO XI (3-4-3): Iker Casillas; Felipe, Pepe, Eder Militao; Jesus Manuel Corona, Hector Herrera (c), Danilo Pereira, Alex Telles; Yacine Brahimi, Moussa Marega, Otavio.

Kaydka: Andre Pereira, Fernando, Tiquinho Soares, Vana Alves, Oliver Torres, Maxi Pereira, Bruno Costa.

Liverpool ayaa kulankan iskeentay iyada oo u baahnayd in ay ilaashato guushii 2-0 ka ahayd ee ay hore Anfield ugu soo gaadhay laakiin FC Porto ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar xoogan waxayna doonaysay in ay soo laabasho samayso.

Qaybtii hore ee ciyaarta Liverpool ayaa ahayd mid aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay iyada oo roobka badan ee garoonka ka da’ay uu Reds ka carqaladeeyay kubbadii deg dega ahayd ee looga bartay waxaana sidoo kale jiray isfahan la’aan dhinaca shaxdii uu Klopp soo xushay ahayd.

FC Porto ayaa iska lumisay fursado muhiim ahaa iyada oo Moussa Marega uu ahaa xidiga eedaynta badan kula kulmay in uu kooxdiisa Porto markale ka lumiyay fursado uu goolal dhawr ah ku dhalin kari lahaa.

Daqiiqadii 26 aad Liverpool ayaa la timid goolka muhiimada khaaska ah u lahaa kooxdeeda ee waliba niyadjabka ku abuuray kooxda Porto waxaana goolkan u saxiixay Sadio Mane kaas oo caawin ka helay Mohamed Salah wuxuuna ahaa bartilmaameedkii kowaad ee ay goolka Porto ku sameeyeen.

Garsooraha ayaa u baahday in uu goolkan ka hubiyo VAR waxaana ugu danbayn la xaqiijiyay in uu ahaa gool sharci ah wuxuuna goolkani Liverpool siiyay kalsooni wayn maadaama oo ay ka cabsi qabteen in Porto ay goolal keensato.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ayna Liverpool marnaba muujin awoodeeda ciyaareed isla markaana ay Porto fursado badan lumisay ayaa qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay Liverpool hogaanka ku haysay iyada oo wadarta labada kulan ka dhigtay 3-0.

Markii layskugu soo laabtay Jurgen Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Roberto Firmino waxaana la saaray Origi oo aan fursadii la siiyay ka faa’iidaysan.

Daqiiqadii 65 aad Mohamed Salah ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay goolka labaad kadib markii uu kubbad caawin fiican ka helay difaaca midig ee Alexander-Arnold wuxuuna Salah kubbada hoos mariyay goolhaye Casillas iyada oo ciyaartu noqotay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 68 aad FC Porto ayaa ugu danbayn goolkii ugu horeeyay ee labada kulan ka dhalisay Liverpool kadib markii uu darbo madax ah Alisson ku garaacay difaaca dhexe ee Eder Militao kaas oo caawin ka helay Alex Telles wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Liverpool hogaanka ciyaarta ku hayso.

Jurgen Klopp ayaa bilaabay in uu ka fikiro sidii uu ciyaartoyda kooxdiisa qaar u saari lahaa si ay u nastaan wuxuuna saaray labada difaac danbeed ee Alexander-Arnold iyo Robertson wuxuuna ciyaarta soo galiyay Joe Gomez oo afar bilood maqnaa iyo Jordan Henderson.

Daqiiqadii 77 aad Liverpool ayaa la timid goolkeeda saddexaad ee ay ku soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa waxaana darbo qurux badan oo madax ah Casillas si xun ugu garaacay Roberto Firmino kadib markii uu karoos cajiib ah ka helay Hendreson oo ciyaarta badal ku soo galay waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 84 aad Virgil van Dijk ayaa ceebta ku sii kordhiyay kooxda FC Porto kadib markii uu goolka afraad ku dhaliyay kubbad caawin uu sameeyay Sadio Mane wuxuuna goolkani ahaa mid ay Porto qalbijab kula sii kulantay iyada oo ciyaartu noqotay 4-1 ay Reds ku xasuuqayso Porto.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay Liverpool ku soo xasuuqday kooxda FC Porto isla markaana waxay Reds afar dhamaadka kula ciyaari doontaa Barcelona oo xalay soo reebtay Man United.