Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Man United Ugu Jietay Saxiixa Erling Haaland Xilli Real Madrid Ku Biirtay Tartanka?

1590

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Red Bull Salzburg ee Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

19 jirkan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 27 gool tartamada oo dhan inkasta oo xilli ciyaareedku uuna wali gaadhin bartamaha.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Man United tahay kooxda Real Madrid kaga cad-cad saxiixa xiddiga Haaland.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xidiga soo tababaray wakhtigii uu hogaaminayay kooxda Molde xilli ay kooxdiisu ku hor dhibaatoonayso goolka waxa ay doonayaan in helaan saxiixa xiddiga.

Warka ayaa sheegaya in ay kooxda Man United hogaaminayso tartanka xiddiga uguna cad-cadahay helitaanka saxiixa xiddiga reer Norway.

Laakiin Kooxaha Juventus & Man United ayaa kula tartamaya United saxiixa xiddiga da,yarka ah.