Arturo Vidal Oo Wadahadalo Kula Jira Koox Weyn Oo Premier League Ah

1769

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Arturo Vidal ayaa dhaliyay muran badan kadib markii uu ka hadlay waliba sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Chile ayaa kooxdiisa Barcelona u sheegay in uu isaga tagi doono Kooxda suuqa January hadii uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda wakhtiga soo socda.

Mustaqbalka Vidal ayuu shaki weyn ku jiraa kadib hadalkii uu sheegay taas oo heegan galisay kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Wargayska FcInterNews kana soo baxa dalka Italy ayaa sheegaya in wakiilka xiddigu wadahadalo la qaatay kooxda Man United si uu xiddiga u geeyo Old Trafford suuqa xagaaga.

Koxda Man United ayaa la sheegayaa in ay diyaar la tahay lacag dhan 15 milyan oo euro si ay ugu guulaysato saxiixa xiddiga reer Chile.