Jurgen Klopp Oo Xiddig Lama Filaan Ah U Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kooxdiisa Kulankii Brighton

1617

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si lama filaan ah Goolhaye Adrian ugu magacaabay xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Brighton.

Reds ayaa 2/1 ku garaacday Brighton Sabtidii kulan ka dhacay Anfield iyaga oo 11 dhicbood ku qabtay hogaanka horyaalka premier Leageu.

Laba Gool oo uu dhaliyay Virgil Van Dijk ayaa Liverpool u dhiibay maamulka kulanka inkasta oo qaybtii dambe kaadhka cas loo taagay Goolhaye Alisson kadib Brighton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta laakiin Reds ugu dambayn gaadhay guusha oo 2/1 ah.

Alisson ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii uu gacanta ku taabtay kubada waxana badal ku soo galay Goolhaye Adrian kaas oo aan ciyaarin wax kulan ah tan ilaa markii uu Alisson soo kacay.

Klopp oo ka hadlaya xaalada ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu Alisson gacanta ku taabtay kubada sidaas darteed xaalka ayaa nagu adkaaday”.

“Waxa uu doonayay in uu madax ku fogeeyo laakiin waxa uu gaadhi waayay kubada mana badali karno arintaas”.

“Van Dijk ayaa laga yaabaa in uu ahaa xiddiga garoonka maadama uu 2 gool dhaliyay laakiin aniga ahaan Goolhaye Adrian ayaa ahaa Xiddiga kulanka sababta oo ah waxa uu soo galay kulan sidan oo kale ah waliba isaga oo aan wax is kulaylin ah qaadan waxana uu sameeyay laba badbaadin oo fiicna”.