Qarax Xoogan oo Goor dhow oo ka dhacay Muqdisho

1510

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona uu ku Qarxay agagaarka Xarunta degmada Warta-nabada.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.