Madaxweyne Waare oo qayla dhaan udiray Dowlada +VIDEO

1734

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay gelinkii dambe gaaray deegaanka Ceel-Gaal ayaa walwal waxa uu ka muujiyey burbruka ku yimid buundada deegaanka Ceel-Gaal,kadib markii uu ka da’ay Roobab daadad watay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haatan uu socdo dhismaha Buundadaas oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya,isla markaana Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Shacabka ay siwadajir ah u dhisayaan.

Dhismaha Buundada Ceel-Gaal iyo wadada la tagta Baladweyne ayuu sheegay in dhismo lagu sameyn doono,waxaana uu ka dalbaday Madaxda Dowladda federaalka iyo Hay’adaha Caalamka inay ka qeyb qaataan dhismahaas,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin.