Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo Waqti Kordhin sameeyay

1639

Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa muddo kordhin ku sameeyay mudada waqtiga diiwaan gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha, iyadoo ay maanta ku ekeyd mudadii horay u qabtay Guddiga.

Afar cisho ayaa lagu kordhiyay mudada, waxaana qoraal ka soo baxay Guddiga uu shaaciyay in mudada diiwaan gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso 23 bishan Jul6 illaa 26 July.

Illaa hada Saddex Musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha xilka haya Axmed Madoobe ayaa qaatay warqada diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddiga soo saaray