Deg deg Howlgalo Dad badan lagu Soo qab qabtay oo ka Socoda…

1694

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saakay ilaa xalay ay howlgallo ka wadeen degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen iyo deegaano hoostaga.

Howlgalyaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay barqadii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan Saddex Saacadood.