XOG:- Galmudug Cusub oo lagu soo dhisi doono Hoteladda Muqdisho

1657

Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa la sheegay inay wadaan qorsho ah in xildhibaanada cusub ee Maamulka Galmudug lagu soo dhiso Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa ii sheegay in qorshahan abaabulkiisa uu haatan ka socda Magaalada Muqdisho, islamarkaana waxaa la filayaa in dhawaan saxiixayaasha rasmiga ee Galmudug arintan laga dhaadhiciyo.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ay dadaal badan Ku bixinayaan sidii ay markale dib ugu soo laaban lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhismaha Galmudug ayaa xiligan wajahaya jahwareer xoog leh, xilli maalmo ka hor ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ay bilaabeen sidii ay u keeni lahaayeen saxiixayaasha rasmiga ah ee Galmudug.

Xaalad siyaasadeed oo aad u qasan ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo ay wadaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana wada qorsho cusub oo lagu dhiso Galmudug.