C/laahi Sheikh oo u Jawaabay Aadan Bare Ducaale” (Video)

1732

Cabdullaahi Sheikh Xasan Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Diimuquradiga oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, Wuxuuna dhaliilay hadalkii dhowaan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Aqbaliyadda baarlamaanka Kenya.

“Aadan Barre Ducaalle waxaa naga dhexeeya Af Soomaaliya, Cida aan uunsi Aqoon, ee hada uunsatay waa Kenya, waxaanu uga digaynaa inaysan halis faraha lagelin.” Ayuu yidhi Cabdullaahi Sheikh.

“Kenya waxay noo soo dhoofisaa Sun oo Maaliyiin ku qaadato, Waxaanu soo jeedinayaa in Ciidankooda dalka laga saaro, Soomaali waa hore ayay Gumaysi diiday, hadana aqbali mayso, Dhulka Soomaaliya Taako kasta oo kamid ah waxaanu u Huraynaa dhiigeena, “

“Soomaalida waxaa u dhaxeeya iyaya ayay gaar u tahay , Anagoo 22 Xisbi ah waxaanu garab istaagaynaa Dawladeena, Qaranimada Qofkii meel uga dhaca waa khaayin, “ Ayuu yidhi Cabdilaahi.