Shabaabkii ugu badnaa oo saakay laxukumay +SAWIRRO

1779

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday 9-xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda wax disha ee loo yaqaan Amniyaadka.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaana soo bandhigtay dambiyada loo heesto xubnahan katirsan Al Shabaab, waxaana Maxkamada sheegtay in dadkan lagu hayo cadeemo muujinaya in xubno muhiim ah ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Dadka Maxkamada lasoo taagay oo ahaa 9-xubnood ayaa waxaa ku jirtay haweeney la sheegay in hubka u keydin jirtay ragan loo heesto in ay katirsanaayeen kooxaha dadka dila ee Al Shabaab.

Xubnahan loo heesto in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa la sheegay in ay ka howl gali jireen Degooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir sida ay cadeeyeen xeer ilalainta Maxkamada ciidamada.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:-

Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano

1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale

2- Saafi Ciise Arwaax

3-Yaasiin Maxamed Abtidoon

4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:-

1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow

2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dadkan Maxkamada ku riday xukunada kala duwan ee xabsiga ah ayaa waxaa u furan in racfaan ka qaataan Xukunkan lagu riday sida uu shaaciyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.