DAAWO Dr. Gaboose oo Eedaymihii ugu Cuslaa u Jeediyey Muuse Biixi

1664

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Muddo dheer kadib Warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Hargeisa, ayaa eedaymihii ugu Cuslaa u Jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan oo Xasasi ah.

“Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hana-qaaday geyigeenna siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta umaddan walaalaha ah. Kooxdani waa ku adeeganaya isbaahaysiga siyaasadeed ee JEEGAAMAYSAN oo ah shaadh ay keligood ku macaashaan. Waxaan ku nuux nuuxsanayaa inaan marnaba beelaha ay kasoo jeedan loo aanayn karin ereygaas iyo siyaasadda guracan ee ay hal-abuurkeeda leeyihiin.

Badanaa inta haldoor, milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda beelahaas oo karaamo iyo waxqabad ummada u soo kordhin lahaa, xayndaanba siyaasadda looga tuuray maadaama aanay la aragti ahayn..” Ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Wuxuu ka hadlay Xaalada Somaliland isagoo sheegay inaysan Danteedu ku Jirin Naxli dadka Soomaaliyeed la kala dhex dhigo.

“Qaddiyadda Somaliland oo ah mid aan u soo halgamey, aamminsanahayna in ay danteennu ku jirto, ku midho dhalimayso in naxli la kala dhex dhigo bulshada reer Somaliland iyo shacabka kale ee Somaliyeed, mana aha in ay noqoto mid hir-gelinteeda lagu baadigoobo ciil, cadho, iyo xiqdi, dhibaatadii loo geystey reer Somalilandna looma aanayn karo dad shacab ah, balse waxa geystey, ay tahayna in lagula xisaabtamo Taliskii Maxamed Siyaad Barre, sida aan maanta dhibka Xukuumadda Muuse biixi iyo kooxdiisu geystaan aan beel iyo cid kale toonna loogu aanayn karin..” Ayuu Hadalkiisa Raaciyey Dr. Gaboose.

Ugu dambayntii Wuxuu Tallooyin Dhaxal gal ah usoo Jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.