Real Madrid Oo 6-0Ku Xasuuqday Kooxda Galatasaray+SAWIRRO

1850

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Galatasaray kulan ka tirsanaa wareega Group-yada kulan uu wacdaro dhigay da,yarka Rodrygo kana dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay furto goolasha ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 7-aad dhaliyay goolka xiddiga Rodrygo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Isla Da,yarka Rodrygo ayaa daqiiqadii 7-aad dhaliyay goolka 2-aad ciyaarta isaga oo sidaas ku noqday xiddigii ugu da,da yaraa ee taariikhda tartanka ka dhaliya saddexley.

Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha iyo waliba qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigeen ciyaarta.

Daqiiqadii 14-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Sergio Ramos kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Real Madrid ayaa goolka 4-aad dhalisay daqiqiadii 45-aad iyaga oo uu u dhaliyay Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Los Blancos ugu raaxaysanayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadaha ay samaynayeen.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid ku soo gashay iyaga oo doonaya in ay si dagan u ciyaaraan oo ayna samayn orod badan maadama ay natiijada kulanka hubsadeen.

Daqiiqadii 80-aad ayuu Karim Benzema dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee shaqasiga ahaa isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayuu mar kale da,yarka Rodrygo soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkiisii 3-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/0 ay Real madrid ku hogaaminayso ciyaarta

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul ay u qalmeen iyaga oo raali galiyay taageerayaashooda.