Xulka France Oo Iska Xaadiriyay Final-ka Koobka Adduunka +SAWIRRO

270

Xulka France ayaa iska xaadiriyay Final-ka kooba adduunka kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadheen xulka Morocco oo ahaa midka fiican guud ahaan ciyaarta.

France oo leh khibar ka fiican xulka Morocco ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafacyada xulka Morocco.

Daqiiqadii 5-aad ayuu xulka France helay wixii uu doonayay waxana ay dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Theo Hernandez kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.
Wixii intaas ka dambeeyay xulka Morocco ayaa ahaa midka fiican iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiiqadii 10-aad ayuu xulka Morocco Goolhaye Lloris ku qasbay in uu sameeyo badbaadin cajiib ah kadib markii uu fursad cajiib ah helay.
Xulka Morocco ayaa sii waday dadaalka iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha waxana markan birta ku dhuftay xiddig Morocco ah kaas oo dhabal cajiib ah kacay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka France hogaaminayo ciyaarta laakiin xulka Morocco ahaa midka fiican una qalmay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Qaybta dambe ayuu xulka Morocco sii waday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo goobo galiyay xulka France kuwaas oo difaac galay isla markaas goolkooda ka soo hor bixi waayay.

Morocco ayaa kor u qaaday dadaalada laakiin dhibaatada xulka Morocco haystay ayaa ahayd in ayna ka faa’iidaysanayn fursadaha ay ku helayeen xulka France.

Xilli xulka Morocco ku mashquulsanaa sidii ay u dhalin lahaayeen goolka ayuu xulka France helay fursad kale oo ay ku dileen rajadii dhamaan Africa iyo caalamka muslimiinta oo dhamaan wada taageerayay xulka Morocco.
Daqiiqadii 79-aad ayuu xulka France helay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Randal Kolo Muani kaas oo gool ka dhaliyay taabashadii ugu horaysay ee uu taabtay kubada.

Waxa iska cadayd in nasiibku ka hor taagan yahay in uu xulka Morocco dhaliyo goolal inkasta oo ay sameeyeen dadaalka ay ku doonayeen.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo uu xulka France guul kaliya gaadhay iskana xaadiriyay Final-ka koobka adduunka xilli Morocco koobka ka hadhay iyaga oo kor u qaaday maagca Africa, Carabta iyo waliba dhamaan ummada Islaam-ka.