Laba Shardi Oo Uu Jose Mourinho Ku Ogolaaday Shaqada Tababaranimo Ee Tottenahm Oo la Ogaaday & Saamaynta Ay Ku Leedahay Man United & Real Madrid.

1696

Kooxda Man United ayaa tabaabre Cusub ka dhigatay Jose Mourinho kaas oo shaqada ka badalay tababare Mauricio Pochettino kaas oo laga caydhiyay shaqada xalay kadib natiijooyinkii xumaa ee ay kooxdu keentay.

Tottenham ayaa shaqada ka caydhisay tababare Mauricio Pochettino xalay iyaga oo saaka tababare Cusub u magacawday tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Man United.

Wararka ayaa haatan shaaca ka qaaday 2 shardi oo uu Jose Mourinho ku ogolaaday shaqada tababaranimo ee kooxda Tottenham kuwaas oo saamayn ku yeelan doona kooxaha Man United iyo Real Madrid.

Sharid 1-aad ayaa ah in ay kooxdu heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen waliba laga hor istaago in uu ka tago kooxda.

Christian Eriksen ayaa bartilmaameed u ah kooxda Man United kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga in ay ku dhisaan khadka dhexe ee dhibaatoonaya kooxda ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyaga oo doonayay in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa January.

Laakiin Jose Mourinho ayaa arintaas meesha ka saaray isaga oo maamulka Totttenham u sheegay in uu doonayo in uu xiddigu sii joogo kooxda.

Shardiga 2-aad ayaa ah in ayna kooxdu iibin Weeraryahanka Harry Kane kaas oo uu u arko xiddig muhiim ka ah qorshihiisa kooxda uu uga dhigayo koox weyn oo koobab u tartanta.

Arintaas ayaa la macno ah in ayna Real Madrid heli doonin saxiixa xiddiga kaas oo ay doonayeen adeegiisa si ay ugu xoojiyaan weerarka kuna badalaan Karim Benzema.