War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Xaalada Mohamed Salah & Andy Robertson Ka Hor Kulanka Crystal Palace

1923

Xiddigaha Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah & Andy Robertson ayaa ka farxiyay kooxda iyo taageerayaasha Kooxda kadib markii ay si buuxda uga soo muuqdeen tababarkii kooxda ee maanta oo khamiis ah.

Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay xulalkooda fasaxii xulalka iyaga oo si weyn loo hadal hayay in ay seegi doonaan kulanka Crystal Palace ee Sabtida ee horyaalka premier League.

Salah oo uu dhaawac kuraanta ah ah ka soo gaadhay kulankii Crystal Palace ee 5 bishii October ayaa mar kale isla kuraanta ka dhaawacmay kulankii Man City ee ka hor fasaxii xulalka.

Dhaawacaas ayaa keenay in uu salah seego kulamadii xulka qarankiisa isaga oo wakhti hore ku soo laabtay kooxdiisa waxana si weyn loo sheegayay in uu seegi doono kulanka Crystal Palace.

Andy Robertson ayaa dhankiisa dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Man City isaga oo laftiisu seegay kulamadii xulka qarankiisa wakhti horena ku soo laabtay.

Laakiin labada xiddig ayaa maanta si buuxda uga qayb qaatay tababarka kooxdiisa ee ka hor kulanka Sabtida ee Crystal Palace iyada oo la filayo in ay taam u noqdaan kulankaas hadii uuna Klopp Go,aansan in xiddigaha ka reebo si ay si buuxda ugu soo kabsadaan.

Halkan Hoose ka daawo sawirada xiddigaha Salah iyo Robertson oo si buuxda uga qayb qaadanaya tartanka Reds