Wasiirada A/Gudaha Germany oo jabisay amarkii dowlada Qatar

297

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa soo xiratay astaanta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, iyadoo dhinac fadhiday madaxweynaha Fifa, si ay u daawato ciyaartii ugu horreysay ee waddankeeda ee Koobka Adduunka ee ka dhacday Doha.

Nancy Faeser ayaa lagu sawiray iyadoo wadata calaamada OneLove gudaha garoonka Khalifa Stadium, ka dib markii Jarmalku go’aansaday inaanu u ogolaan in kabtankooda uu xirto astaantan ka dib markii maamulka kubada cagta FIFA uu ugu hanjabay in kooxda ay wajihi doonto ganaaxyo isboorti hadii ay ku dhaqaaqdo talaabadaas.

Dowlada Qatar ayaa ka mamnuucday dalkeeda in lagu xirto calaamadan, iyado sheegtay in qawaaininta dalkeeda aysan ogoleyn in loo ololeeyo dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, waxaana go’aankaas ku raacay FIFA.

Hase ahaatee Faeser ayaa si cad u jebisay amarkaas, iyadoo soo xirtay astaanta midabada leh ee (Onelove) xili uu ag fadhiday madaxwaynaha Fifa Gianni Infantino, iyadoo kooxda Germany ay guuldaro 2-1 ah kala kulantay Japan taaso aheyd mid lama filaan ah.
Ciyaartoyda Germany ayaa afka wada daboolay galabta ciyaarta ka hor xili ay sawir wadajir ah galayeen iyagoo tilmaamaya in laga hor istaagay xirashada astaanta la mamnuucay.

Dowlada Qatar oo maalmahan wajaheysay weerar dacaayad ah oo kaga imanayey reer galbeedka ayaan weli wax war ah ka soo saarin talaabada ay amarkooda ku jebisay wasiirada arrimaha gudaha Germany.