Sidee Ayuu Jose Mourinho U Saamayn Karaa Tartanka Premier League Ee U Dhexeeya Liverpool & Man City?

1999

Shabakada Liverpool Echo ayaa sheegay in uu tabaabraha cusub ee kooxda Tottenham ee Jose Mourinho door muhiim ah ka ciyaari karo kooxda ku guulaysan karta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Tottenham ayaa shalay si Rasmi ah u xaqiijisay in uu Jose Mourinho noqday tababaraha cusub ee kooxda kadib markii shaqada laga caydhiyay tababarihii hore ee Mauricio Pochettino.

Inkasta oo ay kooxda Tottenham ku jirto kaalinta 14-aad ee horyaalka Premier League waliba ka fogtahay kaalmaha ugu sareeya horyaalka premier league hadana wargayska Liverpool Echo ayaa sheegay in uu Jose Mourinho saamayn ku yeelan doono tartanka horyaalka premier League kaas oo ka dhexeeya kooxaha Liverpool iyo Man City.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Tottenham oo uu hogaaminayo Jose Mourinho ka hor tagi doono kooxaha 4-ta kooxood ee ugu saraysa horyaalka kuwaas oo ay la ciyaari doonaan bilaha soo socda marka laga reebo kooxda chelsea oo ay laba jeer kulmi doonaan.

Kooxda Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka iyaga oo leh 34 dhibcood iyaga oo 8 dhibcood ka horeeya kooxaha Leicester City iyo Chelsea oo kaalinta 2-aad ku jira iyo City oo ay ka horeeyaan 9 dhibcood.

Ugu horayn 22 bisha December ayuu dhici doonaa kulanka ay Tottenham marti galin doonto kooxda chelsea kana tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka premier League.

11 Bisha January ayay Tottenham mar kale marti galin doontaa kooxda Liverpool kulan ka tirsan todobaadka 22-aad ee premier League.

Sidoo kale 1 bish February ayay Man City marti galin doontaa kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadka 25-aad ee horyaalka premier League.

Isla bishaas ayay Kooxda Tottenham marti u noqon doontaa kooxda chelsea kulan ka tirsan todobaadka 29-aad ee premier League.

Ugu dambayn Tottenham ayaa marti galin doonta mar kale kooxda Leicester City 9 bisha May kulan ka tirsan 37-ad ee horyaalka premier League.

Sii Akhriso: 3 Wado Oo Dabiici Ah Oo Aad Kor Ugu Qaadi Karto Dareenkaaga Kulanka Sariirta