Ramos, Aubameyang, Bale, Mbappe, Coutinho, Fernandes, Neymar, Ibrahimovic & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

2009

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ka fiirsanaya in uu Ac Milan ka afduubto saxiixa weeraryahanka Zlatan Ibrahimovic si uu u Keeno London (Telegraph).

Tababare Jose Mourinho ayaa heli doona lacag dhan 2 milyan oo Gunoo ah hadii uu Tottenham ku hogaamiyo champions League xilli ciyaareedka dambe (Sun).

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa qarka u saaran in uu noqdo tabaabraha cusub ee kooxda Bayern Munich maalmaha soo socda (Sky Sport).

Barcelona ayaa sidoo kale si xoogan u doonaysa in ay Mauricio Pochettino ku badasho tababare Valverde (Sun).

Leicester City ayaa wadahadalo la bilowday xiddiga James Maddison si ay heshiis cusub uga saxiixato 22 jirka (Telegraph).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torreira ayaan meesha ka saarin in uu isaga tago kooxda marka la gaadho suuqa Janaury (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid ayaa Ac Milan kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Nemanja Matic (ESPN).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa maamulka Barcelona u sheegay in ay PSG miiska u saaraan xiddiga Antone Griezmann si ay u helaan saxiixa Neymar (Darias Gol).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa doonaya in uu Granit Xhaka ku qanciyo in uuna isaga tagin kooxda suuqa January (Sun).

Kooxda Man United ayaa dalab 110 milyan ah ka gudbisay xiddiga kooxda Atalanta ee Dejan Kulusevski iyo xiddiga kooxda Roma ee icolo Zaniolo (Calciomercato).

Jose Mourinho ayaa saaxiibkiis ahna wakiilkiisa Jorge Mendes ku amray in uu Tottenham u keeno xiddiga Bruno Fernandes marka la gaadho suuqa January (A Bola).

Kooxda Arsenal ayaa dalab Furitaan ah ka gudbisay xiddiga kooxda Villarreal ee Pau Torres iyaga oo 40 milyan ku dalbaday (ABC De Sevilla).

Xiddiga Achraf Hakimi ayaa ku soo laaban doona kooxda Real Madrid marka uu dhamaysto heshiiskiisa amaahda ee Borussia Dortmund (AS).

Philippe Coutinho Ayaa diyaar u ah in uu ku laabto kooxda Barcelona hadii uu Mauricio Pochettino tababare u noqdo kooxda Halka uu si toos ah ugu wareegi Doono Bayern hadii uu Mauricio Pochettino sidoo kale tababare u noqdo (Mundo Deportivo).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay Kylian Mbappe ka afduubato kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga (Tuttosport).

Tababaraha kooxda Juventus ee jose Mourinho ayaa isku dayi doona in uu Gareth Bale kala soo saxiixdo Real Madrid (AS).

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa January (Sport).

Sergio Ramos ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaaga 2020 isaga oo doonaya in uu ku biiro horyaalka Shiinaha (AS).

Sii Akhriso: Talaabo Cajiib Ah Oo Ay Lamaanuhu Muddo Dheer Jacaylka Ku Sii Wadaagi Karaan Oo La Helay