RASMI: Is Reeb-Reebka Euro 2020 Oo Soo Dhamaaday & 20-ka Xul Ee U Soo Baxay.

1656

Waxa si Rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay kulamada is reeb-reebka Euro 2020 iyada oo ay haatan dhamaan 20 xul xaqiiqsadeen booskooda wareega Group-yada ee tartanka Euro 2020.

Xulka Wales ayaa ah xulkii ugu dambeeyay ee caawa xaqiiqsaday booskiisa kadib markii ay garaaceen xulka Hungary oo ay 2/0 ku garaaceen iyaga oo markii 2-aad oo xidhiidh ah ka ciyaari doona tartanka Euro 2020.

Waxa haatan Si Rasmi ah 20 xul ugu soo bexeen tartanka Euro 2020 kuwaas oo haatan sugi doona wakhtiga la samayn doono isku aadka tartanka oo 30 bishan dambe.

Xulalka England, Ukraine, Germany, Switzerland, Croatia, Spain, Poland, France, Belgium iyo Italy ayaa Group-yada is reeb-reebka kaga soo baxay kaalinta 1-aad.

Halka 10-ka xul ee kale ku soo bexeen kaalinta 2-aad ee Group-yada kuwaas oo kala ah Finland, Russia, Turkey, Austria, Sweden, Wales, Denmark, Portugal Iyo Czech Republic.

Waxa dhiman 4 boos oo ay ku tartami doonaan xualalka kaalinta 3-aad ka galay Group-yada kuwaas oo kulamo kala bax ah ciyaari doona.

Halkan Hoose Kaga Bogo 20-ka Xul ee sida Rasmiga Ah Ugu Soo Baxay Euro 2020: